Xuduudka bari ee Finland waa la xiray

1.12.2023 14.17

Finland kama soo geli kartid xadka u dhexeeya Ruushka iyo Finland. Baraha xad ka soo tallaabista ee xudduudka bari waa la xiray. Magangalyo kama codsan kartid ama iskama dhiibi kartid xuduudka bari ee Finland. Ha imaanin xuduudka.

Hawlwadeennada Finland ayaa ilaalinaaya xuduudka Finland mar walba. Ilaalintaas waxaa ay ka dhacaysaa  oo laga samaynayaa dhulka, badda iyo hawada.

Ha rumeysan beenta mukhallasiinta

Xuduudka bari waa la xiray, sababtoo ah hawlwadeennada Ruushka ayaa dadka uga faa’iidaysanaaya si ay danahooda ugu gaaraan.

Ha rumeysan beenta mukhallasiinta iyo dallaalliinta. Waxaa ay internetka ku faafinayaan macluumaad khaldan oo ku saabsan Finland. Mukhallasiintu been ayay kuu sheegayaan, waayo waxaa ay doonayaan lacagtaada.

Finland waxaa ay doonaysaa in ay ka hortagto arrinka ah, in dadku ay naftooda halis geliyaan, oo macluumaad been ah oo la siiyay awgeed ay ku yimaadaan xuduudka.

Farahaaga lagaa qaaday waxaa lagu kaydinayaa keydka macluumaadka ee Yurub

Iskama dhiibi kartid ama codsiga magangalyada kama dalban karitd dalalka kale, adigoo u sii maraaya dalkan Finland. Waddamada Yurub waxaa ay ku heshiiyeen arrinka ah, in codsiga magangelyada lagu falanqeeyo hal dal oo keliya. Heshiiskaan waxaa loogu yeeraa waxqabadka Dublin (Dublin-menettely).

Hawlwadeennada dowladda ayaa qoraaya macluumaadkaaga, waxay keydinayaan farahii lagaa qaaday iyo saxiixaaga, islamarkaana waxaa lagaa qaadayaa sawir. Farihii adiga lagaa qaaday waxaa lagu kaydinayaa keydka macluumaadka ee loo yaqaan Eurodac, kaasoo ay wadaagaan dalalka yurub. Sida sharciga dalku uu dhigaayo, ma diidi kartid in faraha lagaa qaado.

Faahfaahinta dheeraadka ah:

Xadka bari ee Finland waa uu sii xirnaanayaa 4.4.2024

Ciidanka ilaalada xudduudka ayaa ilaalinaaya amniga xuduudka Finland. faafahinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaddidaadda dal soo gelitaanka. 

Macmluumaadka ku saaban nidaamka waxqabadka Dublin, kaasoo aad ka heleyso bogga internetka ee golaha Yurub. 

Macluumaadka ku saabsan shuruudaha dal soo gelitaanka ammaanka ah ee sharcigana waafaqsan, waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee Hoggaanka socdaalka ee Finland