Hagista hay’adaha dowladda ee ku saabsan aragtida darooniska
Hay’adaha dowladda iyo hoggaanka dalka waxaa ay si joogto ah ula socdaan oo ay u saadaaliyaan isbeddellada xaaladaha la xiriira dhanka ammaanka, waxayna hubiyaan in bulshadu ay si caadi ah u wax uga qabanayso xaaladahaas oo dhan. Wakhtigan xaadirka ah Finland kama jirto wax khatar militari ah.
Ujeeddada wargelintaan waa in ay ka jawaabto su’aalaha ka dhashay xaaladdaan ku saabsan darooniska. Marka ay dhacaan xaalado dhibaato leh, dareenkaagu wuxuu ahaanayaa mid ammaan iyo kalsooni badan leh haddii aad taqaan sida wax looga qabto xaaladahaas.
Aragtiyada aan caadiga ahayn ee darooniska had iyo goor waa la baaraa
Booliska iyo hay’adaha kale ee dowladda waxaa ay si firfircoon uga warbixiyaan wixii isbeddel ama horumar ah ee ku yimaada xaaladda amniga, iyo sidoo kale xaaladaha ay yimaadaan dhibaatooyinka iyo arrimaha degdegga ah. Boolisku wuxuu baaraa dhammaan wixii ku saabsan aragtida darooniska ee aan caadiga ahyn ee loo soo sheego. Badanaa aragtidan la arko doroorniska waxaa ay la xiriiraan, in darooniska lagu duuliyo agagaarka meelaha muhiimka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha ama meelaha duulista laga mamnuucay ama la xaddiday. Inta badan aragtida darooniska ee la soo sheego waxaa lagu macnayn karaa, tusaale ahaan, kuwa hiwaayad ahaanta loo isticmaalo ama duulimaadyada caadiga ah.
Khatarta waxaa laga digaa iyadoo la adeegsanaayo qaabka wargelinta khatarta ama digniinta dadweynaha ahaan ah
Hay’adaha dowladda ee arrinkaas awoodda u leh ayaa mas’uul ka ah wargelinta dadka, waxaana wargelintu ay ku salaysan tahay habab ama kanaalo kala duwan. Khatarta soo socota waxaa looga digaa qaabka ah wargelinta khatarta (vaaratiedote) iyo/ama digniinta dadweynaha (väestöhälytin). Digniinta ama wargelinta khatarta waxaa laga baahiyaa ama laga sheegaa idaacadaha, sidoo kale waxaa lagu baahiyaa abilkeeshinka 112 Suomi, haddii loo baahdana waxaa laga sii daayaa telefishinka. Sidoo kale, wargelintu waxaa ay ka soo muuqataa oo lagu qoraa bogga 112 ee qoraalka farriimaha ee telefishanka (Teksti-TV).
Khatarta waxaa sidoo kale looga digaa iyadoo la adeegsanaayo qaabka digniinta dadweynaha. Astaanta guud ee ka digista khatarta waa cod dheer oo muddo hal daqiiqo ah kor u kacaaya iyo mid hoos u soo dhacaaya, ama digniin lagu bixinaayo cod hadal ahaan ama dhawaaq ahaan loo sheegaayo. Marka la yeeriyo ama lagu dhawaaqo astaanta guud ee ka digista khatarta, waa in gudaha la galaa.
Calaamadda tilmaamaysa in khatartii ay dhammaatay waa cod joogto ah oo muddo hal daqiiqo ah si siman oo isu dheelitiran u dhacaaya. Codkaasi wuxuu muujinayaa in khatartii ay dhammaatay.
Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay bilowday mashruuc lagu horumarinaayo ablikeeshinka 112 ee xarunta dhexe ee emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah, si loogu daro barnaamijyo cusub oo ka digaaya khatarta ka imaanaysa dhanka hawada.
Sidaan soo socota ayaad gudaha isugu ilaalin kartaa oo gabbaad uga dhigan kartaa:
Waxaad gashaa oo gabbaad ka dhigataa gudaha guriga marka aad hesho wargelinta xaalad khatar ah oo ku saabsan daroon laga yaabo in uu khatar yahay, ama aad aragto ama maqasho daroon leh habdhaqan aan caadi ahayn ama dareen welwel leh kicinaaya, (tusaale ahaan wuxuu ku duulaayaa meel ka mamnuuc ah duulista ama jawi hoose). Marka aad gudaha joogto, waxaa fiican inaad ku sugnaato qaybaha dhexe ee dhismaha, kana fogaato daaqadaha.
Haddii aadan gudaha geli karin, raadso meel ammaan ah oo aad gabbaad ka dhigan karto.
Haddii loo baahdo wixii aad aragtay u sheeg lambarka emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah
Wargelinta khatarta ah ee ay soo diraan hay’adaha dowladda waxaad si toos ah uga heleysaa telefoonkaaga, adigoo isticmaalaya ablikeeshinka 112 Suomi, iyadoo lagu salaynaayo meesha aad joogto. Hubi ama xaqiiji in aad ablikeeshinka siisay oggolaanshahaaga ah in lala socon karo hadba meesha aad ku sugan tahay, iyo in laguu soo diri karo wargelinta, si aad u isticmaasho dhammaan adeegyada ablikeeshinka. Waxaad telefoonkaaga ku soo dejisaa abilkeeshinka 112, waxaadna ka heli kartaa oo kala soo degtaa suuqyada ablikeeshinnada ee kala ah: (App Gallery, Google Play, App Store).
Wac lambarka emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah, haddii
- aad darooniska ku aragto aag ama goob laga mamnuucay duulista
- daroon ku duulaaya meel muhiim ah agteeda, sida:
- hay’adda tamarta ama warshad koronto
- gegida ama garoonka diyaaradaha
- dekedda
- warshadda sifaynta biyaha
- dhisme weyn oo isgaarsiineed ama hay’ad dowladeed
- ama aad hesho daroon dhulka ku soo dhacday
Ka jawaab su’aalaha uu ku weydiinaayo shaqaalaha heeganka ee xarunta emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah, islamarkaana raac tilmaanbixinta ama hagista lagu siinaayo.
Lambarka emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah ee 112 looma waco su’aalaha guud ee la xiriira xaaladaha amniga.
Sidan soo socota samee, haddii aad hesho daroon dhulka ku soo dhacday ama aad aragto daroon hawada duulaysa:
Haddii aad dhulka ka hesho daroon ama qaybo ka mid ah daroonka oo shaki leh, ka fogoow oo u dhaqaaq dhanka meel ammaan leh, waxaadna wacdaa lambarka emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah ee 112. Ka jawaab su’aalaha uu ku weydiinaayo shaqaalaha heeganka ee xarunta emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah, islamarkaana raac tilmaanbixinta ama hagista lagu siinaayo. Ha u oggolaanin cid kale in ay u dhowaato sheyga la helay, hana ku faafin baraha bulshada meesha ama goobta aad joogto iyo sawirka daroonka toonna.
Haddii aad daroonka ku aragto meel u dhow kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah ama gegida diyaaradaha, qiimee xaaladda oo taxaddar muuji. Hadii loo baahdo wac lambarka emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah ee 112, una sheeg waxa aad aragtay. Ka jawaab su’aalaha uu ku weydiinaayo shaqaalaha heeganka ee xarunta emerjensiga ama xaaladaha degdegga ah, islamarkaana raac tilmaanbixinta ama hagista lagu siinaayo. Xaqiiji ama hubi ammaankaaga, oo haddii loo baahdo u dhaqaaq gudaha meesha kuugu dhow, kana fogoow albaabada iyo daaqadaha agtooda. La soco wargelinta ay bixinayaan hay’adaha dowladda.
Aqoonta iyo xirfaddu waa qaybo muhiim ah oo ka mid ah diyaargarowga. Waxaad dareemi doontaa kalsooni iyo ammaan badan marka aad taqaan sida wax looga qabto xaaladaha kala duwan.